The Eight Gates Of Heaven

Ku soo dhawoow SaqareJournal
0

 

Sideeda Albaab Ee Janada

Janadu waxay leedahay sideed albaab mid walbana waxa uu leeyahay magac u gaar ah waxa sidoo kale albaab walba ka gali doona dad loogu talo galay 

qormadan waxa aynu ku baran doonaa magacyada albaabada janada iyo dadka mid kasta ka gali doona janada.













1. Baabu-Salaah:

albaabkan waxa loogu talo galay in ay janada ka galaan dadka ehlu salaadka ah ee tukan jiray, ilaalin jiray, ku dadaali jiray salaada ,albaabka baabu-salaah la idhaa waa albaabada ugu qaalisan ee laga galo janada.


2. Baabu-Rayaan:

albaabkan la yidhaahdo baabu-rayaan waxa janada ka galaaya dadkii soomi jiray intii ay aduunka joogeen ilaalina jireen soonka hadii uu waajib noqdo iyo hadii uu sunne noqdaba.


3. Baabu-Towba: 

albaabkan waxa loogu talo galay in ay janada ka galaan dadka toobadkeenka badan, markasta oo ay danbaabaan ilaahay xasuusta awoodiisa, ciqaabtiisa, ugu danbayna ku qanca raxmadiisa, albaabkan waxa la furay markii nabi aadam la abuuray waana furnaanayaa ilaa maalinta ay cadceedu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo.


4. Baabu Sadaqa: 

albaabkan waxa isagana loogu talo galay in ay ka galaan dadka saqada iyo sakada bixiya una bixiya si hoose iyo si muuqataba maalkooda iyo habtidoodaba aan kala bakhaylin walaalahooda baahan.


5. Baabu Jihaad:

albaabkan waxa isagana loogu talo galay in ay ka galaan dadka allah dartii u dagaalama naftooda u hibeeya ilaahay galaada iyo cid kasta oo allah iyo umada islaamka ah diintooda ku soo duushana ka dhiciya.


6. Baabu Ikhfaa ilqadab:

albaabkan waxa isagana loogu talo galay in ay ka galaan dadka cadhadooda qarsada marka laga cadhaysiiyo kuwaas oo aan cadhadooda dadka ku dhibin iyagoo la dulmiyay aadna u cadhooday hadana aan laga dareemin allah dartiina u qarsaday cadhadooda ajarna kaga doonay allah.


7. Baabu Amiin: 

albaabkan waxa isagana loogu talo galay in ay ka galaan dadka Rasuulku (Scw) u shafeeco qaadi doono ee shaceeda rasuulka (Scw) heli doona.


8. Baabu Raadiin:

albaabkan waxa isagana loogu talo galay in ay ka galaan dadka raali ku noqda waxa uu allah siiyay, qadarkiisana raali ku noqda ee ku qanca wax kasta oo allah ku arsaaqay hadii ay u yar yihiin iyo hadii ay u badan yihiinba.


hadaba ma u malaynaysaa in uu jiri doono qof sideeda albaabba looga yeedhi doono lana odhan doono kan ka soo gal  ka soo gal?

waxa laga soo wariyay rasuulka (SCW) xadiis uu ku yidhi, abu bakar sadiiq waxaa tahay, qofka ugu horeeya ummadayda ee janada galidoona sidoo kale, waxa lagaaga yeedhi doonaa, sideeda albaab ee janada.





  • Older

    The Eight Gates Of Heaven

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)