Warka Maanta 28,dec,2023

Som Ai News
0

 WAR-SAXAAFADEED.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Dalka Jabuuti.
Hargeysa-28-12-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal.

Safarka shaqo ee Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa muddo kooban qaadan doona, waxana ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa weftiga Madaxweynaha.

Dhinaca kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GOOB-FAGAARE AH KAGA JAWAABAY SU'AALAHA MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED
Muqdisho, Diseembar 27, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu weydiinayeen su'aalahooda la xiriira dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, qorshaha xasilinta, cunuqabateynta hubka ee la qaaday, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, bixitaanka ATMIS iyo Deynta Soomaaliya laga cafiyay.
Dagaalka ka dhanka ah argagixisada; Madaxweynaha ayaa soo bandhigay miro-dhalka wajiga koowaad ee howlgalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay diyaarinayso ciidamo si gaar ah uga shaqeeya amniga iyo difaaca deegaannada la xoreynayo.
“Bisha Tobonkeedii ilaa hadda waxaa socda howlgallo joogta ah, muddadaas ilaa hadda waxaa lagu guuleystay xoreynta deegaanno badan. Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay u wada taagan yihiin xoreynta dalka. Qabaa’il badan ayaa wada-yeeshay iskaashi ay ku cirab-tirayaan argagixisada.”
Amniga iyo Bixitaanka ATMIS;
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee AMISOM ay ka qaateen nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna muujiyey sida uu uga faraxsan yahay in Ciidamada Soomaaliyeed ay soo gaareen marxalad ay ku hantaan sugidda amniga Madaxda, Hay’adaha dowladda iyo hoggaanka dalka.
“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in amnigeyga ay ilaaliyaan wiilal Soomaaliyeed, haybad iyo nasiib gaar ah ayeeyna ii tahay in aan noqdo Madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee ay ammaankiisa si buuxda u ilaaliyaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, tan iyo burburkii dalka”.
Deyn cafinta iyo kobaca dhaqaalaha;Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay natiijada laga filanayo deynta laga cafiyey dalkeenna, waxa uuna xusay in sannadkan 2023 uu kobcay dhaqaalaha 14%, waxa ayna dowladdu higsanaysaa in sannadka cusub la gaarsiiyo kobac dhan 22%, taas oo ay barbar socota yareynta fakhriga iyo saboolnimada oo la yareeyey lana gaarsiiyey 54%,halka uu horey u ahaa 69%.
“Horumarka dal waa in uu leeyahay hiigsi fog. Sida aan u sheegnay, sannadkan iyo sanadka xiga ugama gudbi karno caqabadaha jira, waana sababta aan u keennay hiigsiga 2060. Soddon iyo Todoba sano oo hadda kaddib ah, Soomaaliya side u ekaanaysaa in aan maanta gaarno go’aankeeda.”
Dhameystirka Dastuurka;
Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dastuurka ayaa waxa uu yiri “Qabyo tirka Dastuurku dib u dhacyo badan ayuu lasoo kulmay, waxaana isku soo dhiibay Baarlamaano kala duwan oo uu waqtigu ka dhammaaday iyaga oo ka shaqeynaya. Waxaa naga go’an in uusan muddoo xileedkan nala dhaafin, dhammeystirkiisana waxaa asal u ah rabitaanka ummadda Soomaaliyeed. Qaabka aan anigu jeclahay waxaa ka muhiimsan rabitaanka inta badan bulshada Soomaaliyeed."
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su'aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay'adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.


Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)