Warka Maanta

Som Ai News
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeeray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey qaar kamid ah xarumaha dawladda ee Caasimadda Hargeysa.

Hargeysa-21-12-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo kusoo maray goobo kala duwan oo ay xukuumaddu ka waddo mashaariic horumarineed, kuwaas oo ku yaalla gudaha caasimadda Hargeysa.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda Hargeysa iyo madax ka tirsan xukuumadda, ayaa saaka kormeer shaqo kusoo maray goobo ay kamid yihiin Berkedo cusub oo ay wakaalladu biyuhu ka hirgelisay degmooyinka caasimadda, si loo fududeeyo dedaalka loogu jiro inay caasimaddu hesho biyo ku filan, madaarka Cigaal International Airport iyo mad-xafka Qaranka, waxana uu soo indho indheeyey hannaanka ay mashaariicdaa Qaranku u socdaan.
Ugu horrayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeerkiisa kusoo maray Berked cusub oo keydka biyaha ah oo loo qoondeeyey inay keydiso biyaha ay cabbi doonaan shacabka ku dhaqan degmada A/dhagax, taas oo dhismaheedu gebogebo ku dhaw yahay, waxana uu halkaas warbixin kaga dhegaystay maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood iyo qaar kamid ah saraakiisha gacanta ku haya dhismaha Berkedda Keydka Biyaha, kuwaas oo ku dheeraaday dedaalka ay ugu jiraan sidii caasimadda looga haqab-tiri lahaa Biyaha.
Sidoo kale, madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinayey, ayaa kormeerkooda kusoo maray madaarka caalamiga ah ee Cigaal, waxana uu u kuurgalay habsami-u-socodka shaqada madaarka ka socota iyo adeegyada loo qabto soo degayaasha iyo dhoofayaasha, isaga oo sidoo kale indho indheeyey dhismeyaal casri ah oo qaybaha kala duwan ee madaarka laga hirgeliyey, kuwaas oo uu warbixin ka siiyey maareeyaha guud ee madaarka, Mudane Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid), waxana uu salaam Sharaf ka qaatay ciidamada ilaalada madaarka oo loo hirgeliyey saldhig cusub loo dhisay.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeerkiisa shaqo kusoo khatimay xarunta Madxafka Qaranka ee badhtamaha caasimadda Hargeysa oo haatan gebogebo ku dhaw, waxana uu soo indho indheeyey dabaqyada kala duwan ee dhismuhu ka kooban yahay oo haatan dhammaad ku dhow, isaga oo warbixin la xidhiidha shaqada dhismaha ka dhex socota ka dhegaystay agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile.
Wa-bilaahi Tawfiiq




.......................................................................................................................
Hareisa(GNN) :-Xukuumada Madaxweyne biixi ayaa yoolasha ugu waaweyn ee ay tartankii ololaha ku gashay ay kamid ahaayeen xoojinta waxsoosaarka beeraha iyo horumarintiisa, iyadoo xukuumadu si taa loo hirgaliyo qaaday talaabooyin lagaga midho dhaliyo oo ay kow ka ahayd in loo kordhiyey dhakhligii guud ee wasaarada beeraha Somaliland loona sameeyey qorshe lagaga midho dhalinayo, sidaas oo ay tahay Waxaa dhawaan Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane muue Biixi Cabdi uu xilka wasiirnimo u magacaabaay Wasiir Axmed Maxamed Habane oo kamida da’yarta uu Madaxweynuhu u xushay inay dhiig cusub galiyaan shaqada qaranka Somaliland kuwaas la bidayo aqoon iyo firfircooni ay ku horumarin karaan hawlaha qaranka jsl.

Gobolka gabiley oo inta badan lagu tiriyo inuu qayb laxaad leh ku leeyahay guulihii xisbiga Kulmiye islamarkaana kamida gobolada wakhtiga doorashada kala reeba Asxabta tartamaysa ayaa dadka arrimaha siyaasada falanqeeyaa iswaydiinayaan waxa iska bedeli doona wakhtigan xulashada madaxweyne biixi ee Wasiir Axmed Habane.

Maxaynu Ka Naqaan Wasiir Axmed Maxamed Habane.?

Wasiirka cusub ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland u cugtay inuu majaraha u qabto wasaarada horumarinta beeraha Somaliland Axmed Maxamed Habane ayaa ah aqoonyahan da’yar oo inta badan shaqadiisa ugu badan kusoo qaatay arrimaha dhaqaalaha ee Somaliland xilal kala duwana kasoo qabtay wasaarada horumarinta maaliyada Somaliland isagoo ilaa heer gobol ka gaadhay arrimaha maamulka iyo maareynta maaliyada ee heer gobol.

Waa aqoonyahan da’yar oo fahan badan iyo aqoon durugsan u lah arrimaha beeraha waa shaqsi taariikh ahaan kasoo jeeda dadka inta badan lagu yaqaan falashada beeraha iyo waxsoosaarka oo gobolka gabiley kamid yahay kuwa ugu horeeya.
Gabiley oo ah gobolka cagaaran ee caanka ku ah waxsoosaarka beeraha Somaliland masii dhiiri galin doontaa arrimahii falashada beeraha maadaama ay jaanis u heleen I madaxweyne biixi uu u magacaabo wasiirka beeraha Somaliland shaqsi fahan iyo aqoon u leh arrimaha beeraha iyo muhiimada uu waxsoosaarku u leeyahay qaranka Somaliland kaas oo lagaga maarmi karo waxyaabaha aynu dibada kala doo degno.
Wasiirka oo guud ahaan waajibaadkiisa shaqo ay tahay horumarinta beeraha dalka oo dhan hadana tani waa nasiib ay gabiley u heshay in loo magacaabo shaqsi waxweyn kala tari kara horumarinta beeraha ee gobolka.

Dhinaca arrimaha siyaasada gobolka gabiley waxaa masuul uga ah ama ku matala xukuumada hadba shaqsiga uu madaxweynuhu u cugto hadaba wakhtigan oo wasiir Axmed Habane uu yahay wasiirka loo daba fadhiisan doono arrimaha siyaasada gobolka iyo horumarintiisa filashada shacabka gabiley ayaa ah inuu kasii dhaqaajiyo arrimihii siyaasada gobolka halkii ay soo gaadhsiiyeen madaxdii ka horeysay islamarkaana ay la jaanqaadaan horumarka guud ahan gobolka ka socoda.
Wasiirka cusub ayaa sidoo kale da’yarta gobolka gabiley ka filaysaa sidii uu ugala shaqeyn lahaa arrimaha horumarinta dhalinyarada haddii ay tahay dhinaca shaqo abuurka iyo kobcinta arrimaha sportaka iyo aqoonta si gobolku u helo da’yar firfircoon oo sida wasiir axmed habane jaanis ugu hela inay ku matelaan gobolka xukuumadaha soosocoda.
Wasiir Axmed Habane iyo Dareenkii shacabka gobolka gabiley ku qaabileen.
Dhawaan ayey ahayd markii guud ahaan shacabka gobolka ay soodhaweyn aan nooceeda hore loo arag usoo sameeyeen wasiirka cusub arrintaa soo ka turjumaysa dareenka iyo filashada wanaagsan ee maamul iyo shacaba ay gobolka gabiley ku qaabileen in madaxweyne biixi jaanis u siiyo hogaamintii siyaasada gobolka aqoonyahan da’yar oo kalsooni buuxda lagu qabi karo horumarintii gobolka gabiley ee arrimaha siyaada waxsoosarka gobolka iyo guud ahaanba dalka.
Dhinaca kale wasiirka cusub ayaa laga sugayaa sii horumarinta iyo isku haynta shacabka gobolka gabiley iyo ka shaqeynta arrimihii siyaasada ee gobolka maadaama uu gobolku kamid yahay gobolka uu cududa taageero ee uu ku faano xisbiga kulmiye ku leeyahay.
Sidaa si lamid ah madaxweynaha Somaliland oo masuuliyiin kala duwan u magacaabay wasaarada horumarinta beeraha jsl oo aan inta badan kusii raagin ayaa laga filayaa in wasiirka cusub oo ah dadkii ehelka u ahaa arrimaha beeruhu uu wax weyn ka taro sii horumarinta arrimaha waxsoosaarka dalka oo baahiweyn loo qabo.
Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network

Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)