Warka Maanta

Som Ai News
0

WARARKA MAANTA

Dowladda Koonfur Afrika ayaa Jimcihii ina dhaafey dacwad ka dhan ah ka gudbiyey Yuhuudda taas oo ay geeyeen Maxkamadda Sare ee 'Qaramada Midoobey'. Koonfur Afrika waxa ay Israel ku eedaysay xasuuqa bahalnimada ah ee ay ka wadaan Marinka Qaza isla markaana waxa ay ka codsadeen maxkamadda in la joojiyo weerradaas.
Israel ayaa ganafka ku dhufatey baaqaas ay soo jeedisay dowladda South Africa waxa aaney ku tilmaameen mid aan la qaadan karin. Bannaan baxayaal ka soo jeeda dalka South Africa ayaa la arkayey iyaga oo warbaahinta ka sheegaya sida ay uga xun yihiin dilka maamulka Yuhuuddu u geysanayo dadka shacabka ah. Xukuumadda Johannesburg waxa ay u gudbisey ‘Maxkamadda Adduunka’ in Yuhuuddu xadgudub ku samaynayaan shuruucda dunida isla markaana waxa ay wadaan uu yahay isir sifeyn. Dhanka kale waxa uu madaxweynaha waddankaasi isbarbardhig ku sameeyay gaboodfalladii ka dhici jirey South Africa xilligii Midab-takoorka iyo ficillada hadda Yuhuuddu geysanayaan. Codsiga ugu weyn ee South Africa u gudbisay maxkamaddaas ayaa ah in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka. Wasiirka Dibedda ee Israel oo qoraal ka soo saarey doodda South Africa ee ICJ ayaa sheegay in eedaymahaasi aaney ku dhisnayn wax sharci ah. Sidoo kale waxa maamulka Yuhuuddu ku eedeeyay Koonfur Afrika in ay Xamaas kala wayb qaateen weerarkii 7-dii October ee khasaaraha badan lagu gaadhsiiyey Yuhuudda. Bishii March sannadkii 2022 waxa ay maxkamaddani Ruushka ku amartey in ay joojiyaan dagaalka Ukraine balse taas waxa ku gacan sayray Maamulka fadhigiisu yahay Moscow. Lama oga in dacwaddani wax ka beddeli doonto dhibaatada ay Yuhuuddu ka geysanayaan Marinka balse waxa uu noqon karaa go’aan taariikhi ah oo dowladda K. Afrika ku taageertay Falastiin halka ay ka aamusan yihiin kuwo muslimiin sheegtaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii uu Hoggaaminayey Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo dhaweeyey Dalka Ethiopia.
Addis-Ababa-31-12-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo gaadhay dalka Itoobiya oo ay maanta uga bilaabantay booqasho rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Ali.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku sugayey kuna soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Itoobiya.
Soo dhawaynta Madaxweynaha oo Habmaamuuskeedu ahaa mid aad u sareeya ayaa qadar nasasho ah ka dib loo galbiyey qasriga madaxtooyada oo madaxweynaha la dejiyey looguna sameeyey hadhimo sharafeed.
Waxaana Madaxweynaha safarka ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Axmed (Buuxane), Qorshaynta iyo Horunarinta Qaranka, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahim Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Itoobiya kaga sii horeeyo weftiga iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya, Amb Cumar Cabdilaahi Badde iyo Safiirku xigeenkIISa Amb. Barkhad Maxamed Kaariye.


MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA XILDHIBAAN SHEEKH SHAACIR SHEEKH MAXAMED
Muqdisho, Diseembar 30, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Hore Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa Golehii 10-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Sheekh Shaacir uu muddo dheer u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya.
"Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed".
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.
Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)