Xukuumada dawlada somaliland oo bayaan ka soo saartay ssc khatumo

Ku soo dhawoow SaqareJournal
0

 #somaliland Ayaa bayaan ka soo Saartay aqoonsida maamulka #khaatumo 








Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga soo horjeedda aqoonsiga rasmiga ah ee ay Soomaaliya siisay Malleeshiyo beeleedka ka arrimiya magaalada Laascaanood ee Somaliland.


 


Xukuumadda Somaliland waxay si adag u caddaynaysaa in aanay Soomaaliya iyo Malleeshiyo beeleed midna ka talin ama sheegan Laascaanood. Aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida Maleeshiyada, waa weerar badheedh ah oo lagu soo qaaday Qaranimada iyo wadajirka Somaliland ee xuduudaheeda 26 June 1960. Waa wax laga naxo oo khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika.



 







Somaliland waxay haysataa madax-banaanideeda in ka badan 32 sano, iyada oo ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dawlad dimuqraadi ah. Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka, taas oo caddaynaysa in Soomaaliya ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada Laascaanood billowgiiba.


Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqaysa Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso maleeshiyo beeleedka. Waxaan sidoo kale u soo jeedinaynaa beesha caalamka inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ixtiraamaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si loo gaadho nabad iyo ammaan.



 






Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay weli ku adkaysanaysaa in ay nabad-gelyo, xasilooni iyo barwaaqo ka gaadho shacbiga Somaliland. Waxaan sii wadi doonnaa dadaalladayada ku aaddan aqoonsiga madax-bannaanidayada iyo abuuritaanka xiriir faa'iido u leh gudaha


Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)