A Very Sad Love Story

Ku soo dhawoow SaqareJournal
0

 Qiso jacayl oo murugo badan









Maxamed iyo nasra waxa ay ahayeen laba dhalinyaro ah oo ku nool magalada Kampala

Maxamed iyo nasra waxa ay wada dhigan jireen dugsiga sare maxamed waxa uu ahaa wiil faqiir ah kana soo jeeda qoys dan yar ah halka ay nasra ahayd gabar reer koodu wax haystaan maxamed waxa uu jacayl u soo bandhigtay nasra waana ay ka aqbashay waxa ay mudo wada socdaan oo dhambaalo jacayl isku soo dhaweeyaanba

Maxamed ayaa waxa uu nasra u soo diray dhambaal jacayl

“Dhabtii cashaq daran iyo jacayl aan dhamaanayn dhakhso iigu beerto weli dhayaha kumaan arag dhagahana ku maan maqal mid aan adiga ku ag dhigo dhankastaba u qaado dhabtii waa ku jeclahay”

Nasra waa ay ka gu’doontay markii ay mudo dheer oo afar sano ah ay wada socdeen schoolkiina ay dhamaysteen waxa la gaadhay wakhtigii ay jaamacada gali lahaayeen maxamed waxa uu waayay lacag uu ku galo jaamacada waxaana uu raadsaday shaqo oo uu ka helay geerash nasrana halkaas ayay kasii wadatay jaamacadeedii Maxamed iyo nasra halkaas ayay jacaylkoodii kasii wadeen waxa ay ku balameen jamacada markay dhamayso in ay is guursadaan.

Nasra waa ay dhamaysay jamacadii waxa ay waalid keedii u sheegtay in uu soo doonanaayo wiil ay is jecelyihiin aabaheedna waa uu u ogolaaday nasra iyo maxamed waa ay is guursadeen jacaylkoodiina waa ay ka midho dhaliyeen nasra waxa ay u dhashay maxamed wiil kaas oo nasra aabaheed ugu magac dartay mudo waxa ay wada noolaadaan oo jawi farxadeed ku jiraan nasra waxa ay maxamed u sheegtay in ay reerkoodii oo ay mudo arag soo booqato waanu u ogolaaday waxa ay ka codsatay in uu raaco laakiin maxamed waxa uu ahaa mid mashquulsan sidaa darteed muu awoodin in uu raaco laakiin waa sii dhaweeyay si kal iyo laab ah.

Nasra waxa ay si nabada ku gaadhay reerkoodii markii mudo laba todobaada ay sii maqnayd nasra waxa xanuuntay kali taas oo fadhiisatay shaqayna wayday maxamed waxa loo soo sheegay in ay nasra xanuusatay wxa uu si dhakhso ah ugu tagay nasra waxana uu u qaaday cusbitaalka si loo daaweeyo dhakhtarka waxa uu u sheegay in ay u baahan tahay nasri in loo bixiyo kali maxamed waxa wuu dhakhtarkii ku yidhi aniga ayaa kalidayda u bixinaya xataa hadii ay u baahato wadnahayga anaa ula diyaar ah haba ku geeryoodee isagoo u sheegay nasraba in uu wax walba u samaynayo maxamed hooyadii iyo aabihii waa ay u diideen waxa ay ku yidhaahdeen hadii aad dhimato xataa kuma saamaxayno laakiin maxamed waa uu ka diiday kalidiisiina  waxa uu u saaray xaaskiisii nasra laakiin maxa dhacay.



Nasra waa ay soo caafimaaday waxana loo sheegay in uu ninkeedii maxamed u saaray kalidiisii maxamed markii uu isbuuc la joogay nasra ee dhakhtarkii laga saaray ee gurigii abaheed la geeyay waxa uu u laabtay shaqadiisi nasrana waxa ay xaalad daganaansho u joogtay gurigii waalidkeed nasra waa ay caafimaaday maalin maalmaha ka mid ah nasra waxa ay u baxday suuqa iyada oo doonaysa in ay soo adeegato  si ay bari u baxdo una tagto saygeedii ayaa jid ka waxa kasii qaaday laba wiil oo gaadhi watay waxa ayna ula leexdeen meel laaga waa ay jidh dileen waaxa ay kufsadeen 



waxa ay ku tuureen meel cidlo ah waxa cidladii ka helay wiil kale waxa aanu geeyay dhakhtarka nasra waxa loogu yeedhay walidkeedii markii dhakhtarkii la dhigay nasra waxa ay gashay koomo waxaana dilaacay kalidii qalnayd maxamed waxa uu ogaaday nasra in ay dhakhtarka taalo waana uu soo cararay laakiin nasra wali koomadii kama aysan soo bixin maxamed waa uu ooyay laba isbuuc ka bacdi nasra koomadii ayay ka soo baxday maxamed labadaa isbuuc waxba muusan cunin nasra markii ay soo maaxday waxa ay tidhi “maxamed maxamed”  maxamed markaa waxa uu ahaa mid ooyaya nasra waxa ay mudo dhakhtarka taalaba waa ay caafimaaday waxa ay u amba baxeen gurigoodii markii ay jidka sii socdeen ayaa waxa la dhacay gaadhigii 




nasra waxa mar labaad dilaacday kalidii halkaas ayay ku geeriyootay maxamed iyo wiilkiisii yaraa waxa ay ku cidloodeen noloshii maxamed ma hayo cid u haysa wiilkiisa aabihii iyo hooyadii waxa ay kula coloobeen kalidiisii uu u saaray xaaskiisa wuxuu noqday mid qalbiga ka ooya oo daalan, maxamed waxa uu hayn kari waayay wiilkiisi waxaana uu u geeyay ayaydii hooyo maxamed waxa uu noqday maqane jooga waxana uu iska fogeeyay calamadii jacaylkiisa waana uu shaqayn kari wayay waayo waxa iskugu biiray xanuun dhanka qalbiga ah iyo xanuun ah kalidii laga saaray.

Halkaa ayay noloshiisii ku soo ururtay

 

 

Khulaasada sheekada: “sheekadu waxa ay si toos ah ugu taxaluqdaa caasinimada waalidka” si kasta oo aad wax u jeceshahay marna go; aanka waalidkaaga ha ka soo horjeedsan..


Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)