USA has imposed sanctions on 10 members of Hamas

Ku soo dhawoow SaqareJournal
0

Maraykanka oo cunaqabatay saaray 10 xubnood oo ka tirsan ururka xamaas ee ka dagaalama marinka qaza













Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogay 10 xubnood oo ka tirsan Xamaas oo uu ku jiro taliye muhiim ah, ku waas oo lagu eedayey in ay fudaydiyeen gacan maaliyadeedna ka geysteen caawinta ururka Xamaas.


"Maraykanku waxa uu qaadayaa tallaabo degdeg ah oo go'aan leh si uu u bar-tilmaameedsado maalgeliyayaasha iyo fududeeyayaasha dhanka maaliyada ee Xamaas ka dib xasuuqii naxariis darada ahaa ee aan laga fiirsan ee ay u gaysteen dadka rayidka ah ee Israa'iil, oo ay ku jiraan caruur," ayay xoghayaha maaliyadda Janet Yellen ku tidhi hadal ay soo saartay.

hadalkeeda oo ku soo beegmay xili uu gumaystaha israa'iil ka gaysanaayo duqaymo dhinaca cirka ah marinka qasa, duqaymahan oo u badan xasuuq uu u gaysanayo maatida iyo caruurta falastiiniyiinta ah

dhinaca kale iyada oo dunida islaamku ku baaqayso in ay israa'iil joojiso duqaymaha ay ka wado marinka qaza.


wixii warar ka soo kordha, kala soco dagalkeenan

Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)