Plants and things that science says but the Qur'an has already said

Ku soo dhawoow SaqareJournal
0

 MAWDUUCA : Dhirta iyo biyaha 

  

Sida uu saynisku ogaaday waxa uu sheegay in marka uu dhacayo cunto samaysanka Dhirtu loo baahanyahay biyo sidaa darteed biyo la 'aan aanu dhici karin habkan cunto samaysanku hayeshe alle waxa uu quraankiisa ku leeyahayوَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ  شَيْءٍ حَيٍّ


Alle waxa uu ayada sare ku xusay in shaykasta biyuhu nooleeyaan dabcan geedihiina way ku jiraan.

Sidoo kale rabi waxa uu yidhiوَاضْرِبْ لَهُمْ مَثَلَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا كَمَاءٍ أَنْزَلْنَاهُ مِنَ السَّمَاءِ فَاخْتَلَطَ بِهِ نَبَاتُ الأَرْضِ فَأَصْبَحَ هَشِيمًا تَذْرُوهُ الرِّيَاحُ وَكَانَ اللَّهُ عَلَى 

كُلِّ شَيْءٍ مُقْتَدِرًا

Alle waxa uu quraanka ku cadeeyay mar kale in Alle tusaale usoo qaatay  biyo  uu kasoo shubay samada inta ka dibna uu ku daray dhirta kuwaas oo iyaguna is dhexgal sameeyay muddo ka dibna abaar iyo biyo la'aan ay ku dhacday dhirtii dabeetana ay noqdeen kuwo dabayshu marba Dhinac u wado oo qaadhay .

Hadaba ayada sare waxa aynu ka fahmayna muhiimada ay biyuhu uleeday dhirta la'aan toodna aanay dhiri jirayn waayo cunto may sameysateen ( no photosynthesis).

Hadab xalqadeni hore waxa aynu kusoo qadanay aayadii uu Rabi ku cadeeyay in uu midho uu  u soo saaray shay kasta oo nool oo dabeetana ay quutan dabacan midhahana waxa Soo saara geed uun sidaa l aa jigeed Dhirtu uunkoo dhan iyaday ku tiirsanyihiin sayniskuna taa wuu yaqiinsanyay imika oo waxa uu dhirtii u bixiyay producer  ama autotrophic oo ah  noolaha samysta cuntadiisa.



2: biyaha geedku xagee ayuu ka hela ma ciida mise marku roobku da,o ayuu hela .


Waa su aal muhiim ah jawaabtuna dabcan 

waxay noqonaysa in Dhirtu ay carrada kasoo nuugto biyaha hab loo yaqaano siimoow ama (osmosis) alle quranka sharafta leh waxa uu ku leeyay 

وَأَرْسَلْنَا الرِّيَاحَ لَوَاقِحَ فَأَنْزَلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَسْقَيْنَاكُمُوهُ وَمَا أَنْتُمْ لَهُ بِخَازِنِينَ)

  aayada rabi waxu ku xusay in uu roobka (biyaha) ka keeno samada intaa ka dibna bani aadamkii uu waraabiyo .Rabi wax uu aayada dabayaaqadeeda inagu leeyahy bani aadamoow ma tihidiin kuwa kaydiya biyaha lkn Allah ayaa kaydiya waxana aad ka fahmaysaa ayada halka lagu kaydinaya inay tahay Dhulka hoostiisa ama carada sidaa laa jigeed waxaynu fahmaynaa in dhirtii kasoo nuugaan biyaha xaga hoose ama carrada.



3:Dhirta iyo carrada 


Dabcan waxaynu ognahay maanta ama saynisku sheegay in carrada ay Dhirtu kasoo baxdo laba loogu qaybsho carro nafoqo leh iyo midaan lahayn ( fertile soil and non fertile soil) 

Hadaba carada nafaqada leh waxay ku fiicantahay soo bixida dhirta halka carrada aan nafaqada lahyn aanay ku fiicnayn beerida dhirta .Hadaba rabi waxa uu leeyahay

وفي الأرض قطع متجاورات......

Alle ayadan sare waxa uu ku xusay Dhulka inay ku yaalaan gobolo kuwaas oo isku dhaw dhaw hayeeshee ku kala duwan nooca ciida oo qaari ku fiicanyihiin dhirta beeridooda halka qaar kalana aanay kuba fiicanayn.

Dabacan aayada waxad ka fahamysa sida rabi inoogu sheegayo labadii ciidood ee aynu kor kusoo xusnay oo ah mid beerida ufiican iyo mid aan u fiicnayn beerida.

4:Dhirta nolosheeda ma lagu xusay Quranka


Haa dabcan waa lagu xusay ayadii xaga sare aynu kusoo xusnay waxa uu Rabi ku sheegay inuu biyaha nolol uga dhigay shay kasta dabcan geedihiina way ku jiraan oo nolol ayay biyihii uyihiin sidoo kale rabi waxa uu leeyahay 

النجم والشجر يسجدان

Erayga النجم   culimadu laba macnaba wa siiyaan mida koowad waxay ku sheegan xidiga socda marka labaadna geedaha fida waana kaynu ujeedno imika iyo الشجر oo ah kuwa taagan rabi waxa uu leeyay labaduba ILAHAY ayay adeecan oo waxay ku adeecan inay qabtaan shaqadii uu u igmaday ee ah makhluuqa inay haqab tiraan oo hoy ,cuno iyo alaabo kalaba ay ka samaystaan. Dabcan rag badan ayaa ku dooda in ay aayadani ka waramayso photosynthesis ka ama shaqada ah inu cunto sameeyo taas oo hadhaw ay sii quudanayaan bani aadmkii iyo noolihii kale ( food web)

Dabcan waxad halkan aad ka fahmaysaa oo kale in Dhirtu ay nooshay maadaamooy ay qabanayso shaqooyin rabi u igmaday.


وصدق الله في قوله: ما فرطنا في الكتاب من شيء.


Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)