TOPIC : The limited power of man

Ku soo dhawoow SaqareJournal
0

 MAWDUUC : Awooda xadidan ee aadanaha 

Inkastoo uu aadamahu soo maray marxalado kala duwan hadana waxaad mooda qolaba qolada ka danabaysa inay inkirida Eebe iyo awoodihiisa diidayaan waana dabeecada banii aadamka sida uu rabi ku sifeeyayba 

Ufiirso aayadan ...وَكَانَ الْإِنسَانُ كَفُورًا 

Bani aadamku waxa uu yahay mid diidmo iyo Alle ka jeedsi badan .

Dhabtii ,samankan aynu noolnahay waxa aad arkaysaa inaynu gaadhnay meelkasta ogaanayna cilmi intii ilahy inoogu talagalay hayeshe aynu moodnay inaynu awodeheena ku keensanay. Runtii wall ilahay ayadii aan xaga sare kusoo xusay iyo habka aynu bani aadam ahaan udhaqmaynaa ma is leeyiin mise isma laha.




MAWDUUC: Awooda aragtida iyo maqalka aadanaha


Waxa hubaal ah oo caalamkan aynu ku noolnahay inuu yahay caalam wada asraar (siro)ah taas oo aanu bani aadamku fahmayn Alle na makhrati ka yahay inaynu kuwo daciifiina nahay .

Hadaba wall waxaan doonaya maanta in aan ka hadlo awoodeena maqal iyo aragti.

Runtii bani aadamku wax badan ma arko waxbadana ma maqlo ilahybaana inoo cadeeyay arinkaa ufiirso tusaale yar oo dhaw aan ku siiyee .

Ma inagu jira qof arki kara dabaysha ama hawada oo odhanaya caynkaas ayay u eegtahay oo indhahayga ayaan ku arkaa?

Jawaabtu waa maya lkn waynu dareenaa in waxan dharkeena luxaya la yidhaahdo dabayl.

Aragtideenu inay makhluuqaadka ina la dhiga ah ka gaabantay waxa ku tusinaya .

Jinku waa uu ina arkaa lakin inagu ma aragno. Tanna si toosa ILAHAY ayaa inoogu sheegay yidhina .isagu waa ibliise iyo qoomkiisuba bani aadamoow wuu idin arka lkn indinku ma arkaysaan.


... إِنَّهُ يَرَاكُمْ هُوَ وَقَبِيلُهُ مِنْ حَيْثُ لَا تَرَوْنَهُمْ...

Sidaa si la mid ah ma aragno malaa igta hayeeshee iyagu way ina arkaan.

Dhamaan cadaymahan oo dhan waxay ina tusinayan aragtideena gaaban .

Taa waxa ka sii yaab badan aduunkan aynu ku nool nahay waxa inagula nool makhluqaad badankoodu inaga xajmi yar yihiin hayeshe inaga aragti Dheer si toosa Rasuulka (scw ) waxa uu inoo sheegay in diiggu ( labka doorada/digaaga)uu arko malaa'igta halka sidoo kale Rasuulku (scw) inoo sheegay dameerku inuu arko shayadinta iyo Jinka .

Dabcan Rasuulka waxa uu inoo cadeeyay sida ay u yartaahy aragtideenu.


✓Ma ogtaahay in xayawanada qaar hadii aad eegto aad indho beelayso!!!

Tanina waa mid kale oo kuu cadaynaysa daciifnimada indhaha aadanaha .

Su'aasha xaga sare saaran waxa si toosa inoogu sheegay Rasuulkeena scw waxaanu yidhi " Dila abeesada labada  liid leh iyo maska dabada go'an ee gaaban waayo arigtada qofka uu eego waxa suuro gala inay indhaha kala tagaan oo uu indho beelo sidoo kale hooyada uurka lehna ay dhiciso ilmaha hadii ay aragto"

Xadiisku waa saxiix ibnu Cumar ayaana warinaya ,dabcan waxaynu ka fahmayna xadiiska laba shay kuwaas oo ah in Alle awood usiiyay labada xayawaan in ay bani aadamku artagtida ay eegan ku indho beelayaan waxa kaloo aynu ka fahmayna awooda iyo powerka xadidan ee Isha bani aadamka.


Hadaba su'aal iswaydiin leh ayaa waxay tahay Allle  ma siinaya bani aadamka aragti ay ku arkaan Jinka iyo shayaadiinta??

Maalinka kale ayaynu ka waramayna mawduucan iyo MAWDUUCA inoo hadhay ee ah maqalka bani aadamka .





Baraarujin: walaalayaal dhamaan mawduuca aan soo xusnay waa mawduuc aanay reer galbeedka iyo inta sayniska aaminsanba aanay wali gaadhin walhi baan ku dhaartee ILAHAY iyo Rasuulkiisa shaykasta way inoo cadeeyeen oo uu saynisku  sheegay iyo waxanu sheeginba laakinse muslimiintii ayaad moodaa in looga fahan badiyay cilmigii Alle inoogu sheegay quraankiisa.


Baraarujin:  Waxa hubaal ah inaad maalin Dhow maqlayso reer Yurubta oo leh xayawanada qaar ayaa dadka indhaha ka rida ee Iska ilaaliya markasaynu isla dhex qadaynaa sayniska sidaa yidhiye Iska ilaaliya hada 14 qarni ka hor ayuu Rasuulku inoo sheegaya arinkas.


وصدق الله في قوله: وكان الإنسان كفورا.


Mahadnaq : Alle sokadii waxan umahad naqaya sheikh ,Dr, Maxamed sheikh Ismacil.




Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)