The eleven vegetables that are lookalike to the body parts

Ku soo dhawoow SaqareJournal
1

 Akhriste waxa muhiim ah in aad ogaato xigmadaha ilaahay in ay ka mid tahay in waxkasta oo aduunka yaala uu ka turjumaayo cadayna u yahay jiritaanka allah iyo in awooda kaliya ee jirtaa ay tahay ta allah

qormadan kooban waxa aynu ku eegi doonaa 11 khudradood oo mid kastaa ay shabbahdo ama u eegtahay xubin ka mid ah xubnaha bini;aadamka taas oo muuq iyo haykalkaba uga eeg.


1. Xubinta: Isha 

ishu waxa ay matashaa carrot ka marka la kala gooyo carrot ka hadii aad u fiirsato waxa aad arki kartaa in uu ka samaysan yahay laba lakab oo goobo ah dhexdiisa ay ka soo baxan sidii waayaro ku xidhiidhsan lakabyada kale, waana muuqaalka ay leedahay ishu, waxa kale oo muhiim ah in aynu ogaano in uu carrot ku yahay wax yaabaha ay dhakhaatiirtu kula taliso dadka indha xanuunka leh ay joogteeyaaan isticmaalka cunitaankiisa ama cabitaankiis.


2. Xubinta Lafta ama Lafaha:

lafaha waxa ay isu eeg yihiin ama isu dhawyihiin geedka la yidhaahdo celery inkasta oo aan erayga uu somali ahaan ku noqonaayo haynin hadana geedkaasi waa geed aad u shabaha lafaha bini,aadanka waxana ku jira qalooc yar oo il ma qabatay ah sida lafaha bini aadamka oo kale waxan la sheega in uu u fiican yahay lafa xanuunka.

3. Xubinta Dhagta:

dhagta waxa ay aad isu shabahaan bahalka la yidhaa likaha ama boqosha marka la kala dilaaciyo in badana waxa laga helaa likaha dhulka caro kaawada leh marka uu raaban yahay isagoo ku sameeya meesha uu ku jiro dil-dilaac.

4. Xubinta Wadnaha:

wadnaha waxa ay  is shabahaan xaga gudaha baasha loo yaqaano xabuubta ama yaanyada taas ay muuqa guud ee gudaha wadna iyo hab dhismeedka gudaha ay isu eegyihiin waana khudaarta kaliya ee laga tusaalo qaadan karo marka wadnaha laeegaayo.

5. Xubinta Naaska Hooyada: 

Naaska hooyada waxa ay gudaha iska shabahaan liin macaanta qaabka ay isugu teedsan yihiin  nidaamka wareega iniinta la cuno, taas oo ka turjumaysa in caanaha ilmaha yar jaqayo uu habka liin macaanka u soo shubo caanaha.

6.Xubinta Caloosha

Sidoo kale calooshu waxa ay qaab dhismeedka sare iska shabahaan sinjibiilka bahal loo yaqaano kaas oo muuqiisa guud aad uu u shabaho caloosha, caafimaad ahaana sinjibiishu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha xanuuno fara badan lagu daaweeyo, aadna isticmaalkiisa loo dhiiri galiyo iyado lagu taliyo in badanka shaaha lagu darsado.

7.Xubinta kaliyaha

xubnaha loo yaqaano kalyaha waxa ay aad isugu eegyihiin faralayda digirta la yidhaa iyadoo u samaysan qaabka kalyaha markad u fiisatana waxad arkaysaa in ay meesha ay ka soo saarto bilqinka iyo meesha ay kalyahaya kaga talaalan yihiin xididada dhiiga qaada ay si isu mid ah uga wada baxaan, digirtu caafimaad ahaan waa ay fiican tahay in kasta oo xanuunada qaar ay kiciso sida gaaska hadana waxa dhamaan laga helaa maadooyinka kala duwan ee uu jidhku u baahan yahay.

8.Xubinta Maskaxda

xubintan waxa ay inta badan is shabaahaan bahalka loo yaqaano (walnut) oo ah nooc ka mid ah midhaha lawska markad aragto waxa midhahaa waxad markaba kugu soo dhacaya muuqa maskaxda, caafimaad ahaana guud ahaan midhaha lowsku aad ayay ugu fiican yihiin jidhka bini aadamka.

9. Xabinta ilmo galeenka

ilma galeenka hooyada ama makaanka hooyadu waxa uu aad ugu eegyahay samays ahaan baasha aynu cabno ee la idhaa afakaadha taas oo abuur ahaan u samaysan qaabka saxda ah ee makaanka hooyada, caafimaad ahaan waxa ay u fiican tahay ama ay dawaysaa calool istaaga iyo badanka in ay nafaqayso jidhka iyo timaha oo inta badan habluhu waxa ay marsadaan timaha.

10. Xubinta Xameetida:

Xameetidu waxa ay inta badan shabahdaa ama u eeg tahay bahalka la idhaa baradhaha (sweet potatoe) inta badan baradhaha noocan ahi soomaalida dhulkooda kama soo baxo laakiin waa mid caan ah oo aduunka meelo badan laga isticmaalo waxana uu aad ugu eegayay xaga dhererka xameetida. 

11. Xubinta Sambabada:

Sambabadu marka laba laga dhigo ama gudahiisa hoose waxa aad ku arkay in uu yahay sida laan soo foorarta oo midho ka baxeen, taasina waxa ay ina tusaysaa ama ina xasuusinaysaa sida uu yahay ama u eeg yahay geedka la idhaahdo cinabka, caafimaad ahaana geedka cinabku aad ayuu ugu fiican yahay jidhka bini aadamka



dhamaan akhristayaasha aad ayaad ugu mahadsantihiin booqashada bogaayagan, waxan idiin rajaynaynaa in aad wax ka faaideen qormadan 

Wabilahi tawfiiq



Post a Comment

1Comments

do leave your comments

Post a Comment