Learn Some think about the Shia Song of the (Salam Ya Mahdi)

Ku soo dhawoow SaqareJournal
0

 Heesta shiicada ee mahdiga !!!

heestan ayaa tiktok haysata baryahan dambe gaar ahaan intii uu dagaalka mujaahidiinta xaq u dirirka xamaas iyo gumaystaha yuhuudu bilaabmay taas oo ay somalidu aad u isticmaalaysay balse micnaheeda aysan garanayn



heestu maxa ay ka hadlaysaa..?

heestani waxa ay ka hadlaysaa nin la yidhaahdo (mahdiga) waxa jira nin uu nabi maxamed ( salallah cayhi wasalay ) inoo sheegay in uu soo bixi doono kaas oo magaciisa la yidhaa Maxamed binu Cabdilaahi ( Al mahdi) kaas oo aduunka 7 sano xukumi doona aduunkana cadaalad ka wada dhigi doona laakiin shiicadu waxa ay leeyihiin mahdi kale oo la dhaho Maxamed binu xasan (al caskari) ninkan waa amiirkooda 12aad oo shiicadu waxa ay leedahay 12 nin oo hogaamiye u ah marka ninkaas ayay ku amaanayaan ...Subxaanallah

hadaba heestan ayaad tiktok ta waxa aad ku arkaysaa dad badan oo heestan iska soo duubaya iyagoo falastiin taageeraya laakiin ma fahansana micnaha heestan xitaa qaar ayaa umaleeynaya in ay nashiido tahay nashiido ma ahan sababtoo ah music ayaa saaran teeda kale heestan waxaa leh ( sheeco )  shiicadana waa aynu naqaanaa cida ay yihiin qofka aan ogayna ma jiro waxa laga yaabaa muslimiinta in boqolkiiba hal laga soo heli karo aan shiicada fikir ka haysan

ugu danbayn

wax kasta oo diin ku saabsan waxa qurux badan in aad looga fiirsado inta aan lagu dhaqmin, maxaa yeelay diinta waa waxa aynu ku cibaadaysanoo allena aynu ku garano wada kaste oo qaldan oo ah hadal,ficil,iyo dhaqanba waa in inta aan la samayn ka hor aqoon loo yeeshaa sidaa darteed

intii aan awoodno waa in aynu ka celina una sheegna xaqiiqda heestan iyo wax kasta oo qaldan  dadka iska soo duubaaya badankoodana comments kooda ugu sheegnaa si aanan loogu dambaabin wax aanan micnihiisa la garanaynin

hal marna aynu u wada ducayno walaalaheen la duminaayo ee reer falastiin


Qoraha Qormadan: Apdirahmanow

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)