Djibouti has launched a satellite

Ku soo dhawoow SaqareJournal
0

 jamhuuriyada jabuuti ayaa samaysatay dayax gacmeed iyado oo u dirtay hada sare


dawlada jabuuti ayaa hawada sare waxa ay u dirtay dayax gacmeedkeeda loo yaqaano jabuuti 1A

kaas oo ka mid noqon doona dalalka dayax-gacmeedkooda u diray hawada sare, talaabaadan ayaa madaxweynaha jabuuti waxa uu ku tilmaamay guul u soo hooyatay shacbiga iyo sidoo kale wadanka jabuuti, 

madaxweyne ismaaciil cumar geele ayaa waxa uu ku sifeeyay guul taariikhi ah oo ay jamhuuriyada jabuuti ku talaabsatay  maadaama sare loo qaaday awooda dhinaca tartanka hawada sare  oo dalal badan oo caalamka ku yaalaa ay ku tartamayeen sanadihii ugu dambeeyay ,

madaxweyne ismaaciil cumar geele  ayaa waxa uu sheegay in guushani lagu gaadhay wada jirka iyo wada shaqaynta ay saneeyeen dawlada jabuuti iyo shacabkeedu oo ugu dambayntii ka midho dhaliyay hamigii ay lahaayeen oo ah in ay dayax-gacmeed hawada u dirsadaan 


dawlada jabuuti diwaanka waxa u galay dayax-gacmeedka jabuuti 1A oo ah aaladii ugu horeysay ee jamhuuriyadu hawada u dirto waxana uu gacan ka gaysan doonaa  ururinta xogta muhiim ka ah ee qaranka ayuu yidhi madaxweyne ismaaciil cumer geele 

jamhuuriyada jabuuti ayaa mudo dheer waxa ay u xusul-duubanayd in ay gaadho riyadan oo ugu dambeyntii rumowday maadaama dayax-gacmeedkeeda jabuuti 1A hawada loo diray laguna guulaystay in uu gaadho halkii loo qorsheeyay 

meelaha dayax-gacmeedkan hawada sare looga diro ayaa waxa ay ku yaaleen dalka Japan, Maraykanka, Shiinaha, Hindiya, iyo Ruushka iyo mid ku yaala Yurub taas oo ka dhigan in ay jabuuti noqon doonto dalkii todobaad ee shaqadani qabta aduunka oo dhan.

xarunta uu yeelan doono dayax-gacmeedkani ayaa waxa ku bixi doona lacag dhan "hal bilyan oo dollarka maraykanka ah" taas oo noqon doonta maalgelin dibadeed waxana bilowgii sanadkani uu madaxwaynaha dalka jabuuti uu heshiiska xaruntaasi ku galay magaalada hong-kong ee wadanka shiinaha.

jabuuti ayaa noqonaysay wadankii ugu horey ee somaaliyeed ee dirsada dayax-gacmeed uu samaystay


qormada warkan soomaalijournal,  


link: https://soomaalijournal.blogspot.com/2023/10/the-100-years-of-jews-madness-in-world.html

link: https://soomaalijournal.blogspot.com/2023/10/the-president-of-republic-of-somaliland_25.html


Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)