The president of Somaliland dismissed his ministers

Ku soo dhawoow SaqareJournal
1

 Wareegtooyin Madaxweyne 14.11.2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo Bedel ku  sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.


Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.


1. Ku: Cabdiqaadir Iimaan Warsame;

Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha



2. Ku: Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil;

Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

      


3. Ku: Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani; 

Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta



4. Ku: Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne; 

Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga



Mudanayaal,


Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran. 


Ujeeddo: Magacaabid. 


Wareegtooyin Madaxweyne; Magacaabid iyo Isku-beddel 


Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; 


Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;


Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;


Markaan Sameeyey:  La-tashi;


Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:


1. Axmed Yuusuf Idiris Cawaale  Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.


2.  Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.


3. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.


4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.


5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.


6. Saleebaan Yuusuf  Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.


7. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.


8. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni  Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.


9. Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha.


10. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.


11. Axmed Maxamed Habbane  Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha


ALLAA MAHAD LEH


Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

warkan waxa lagu soo baahiyay   link:https://www.facebook.com/100044287393622/posts/pfbid02uNiNV7EcRgMLhhcrDcRz1TcE1PzxchHUZkB1DJftUcx8SHsVkGH4qeoeU2ZA1CeKl/?app=fbl

Tags

Post a Comment

1Comments

do leave your comments

Post a Comment