3 Sedex sheeko Xiiso badan

Som Ai News
0

 Sheekada 1aad.

Maxaa badbaadiyay ?


https://soomaalijournal.blogspot.com/search/label/Sheekooyin Abu Nasri waxa uu ahaa kulluumeyste sabool ah. Badda isbuuc kalama uusan soo bixin mallaay. Waa uu murugooday, ciyaalkiisa iyo xaaskiisa oo gaajeeysan ayuuna ka soo tagay. Waxa uu u yimid sheekhiisi Axmad ibnu Maskiin, waxa uuna u sheegtay dhibka haysta, isaga oo rabo ducadiisa. Sheekhi waxa uu u sheegay Abu Nasri, in uu tukado labo ragcadood, ka dibne uu ku tuuroshabaqiisa badda. Waa uu sameeyay waxaana u soo baxay mallaay weyn; suuqa ayuu geeyay waxa uuna ku soo iibsaday labo kibis ah, si uu u siiyo qooyskiisi gaajaysnaa. Laakiin mid ka mid ah waxa uu soo mariyay sheekhiisi, si uu u siiyo. laakiin sheekha oo ka dhowrsoon ayaa yiri; “Haddii aan naftayda ku quudin lahaa kan, ma uusan soo baxeen mallaayga”. Inti uu u soo socday gurigiisa, waxa uu soo maray haweeney la ooyeysa gaajadeeda, iyo gaajada cunug dhabta u saaran. Waxa ay eegeen cuntadii, isagana waxaa ku dhacay leeb naxariiseed, isaga oo siiyay labadii kibista ahaydba hooyadi iyo cunuggeedi. Markii uu soo gaaray gurigiisa, waxa uu la kulmay nin uu gartay oo taagan albaabka gurigiisa, oo isaga sugayay. Waxa uu ku yiri ninkii : “Waxa uu aabbahaa igu lahaa deyn dhan 30kun oo Dirham, ee iga qaado”. Wuu qaatay, isaga ayuuna ahaa kan kali ah ee dhaxlayaa. Wuu ku ganacsaday xoolihii, waxaana ballaartay ganacsigiisi, waxa uuna caawin jiray masaakiinta. Laakiin dadka ayuu uga sheekeeyay oo yiri, “Waxa aan u bogay, oo la dhacay camalladayda suubban, aniga oo is cajab geliyay, ilaa aan habeen ku arkay riyo iyada oo la miisaamayo acmaashayda, waxaana batay xumaantayda, oo isla weynidii ayaa dhumisay ajirkii sadaqada. Markaasaan ooyay ilaa aan maleeyay in beerkaygu la googo’ay oohinteeyda aniga oo jiifo.Cod ayaa dhawaaqay oo yiri : miyeey wax u hareen ? Waxaa la yiri : haa oo laba kibis ah ayaa u hartay; ka dib miisaanka ayaa la saaray, waxaana sinnaaday labadii kafadood ee wanaagga iyo xumaanta. Aniga oo baqaya ayaan maqlay cod kale oo leh : miyeey u hareen wax kale ? Waxaa lagu jawaabay : haa oo waxaa u haray illinta haweeneydii uu siiyay labada kibis. Waxaa la saaray illintii miisaanka, misne sidii buuraha ayay la dageen kafaddii wanaagga, sidoo kale waxaa lagu daray dhoollacaddeyntii canuggii yaraa, ilaa uu ka dhawaaqay cod leh : Waa uu badbaaday, waa uu badbaaday. Markaas ayaan hurdadii ka soo booday, aniga oo naxsan oo ku celcelinayo : Haddii aan naftayda ku quudin lahaa kan, ma uusan soo baxeen mallaayga”. Ma ogin camalka aynu jannada ku geli doonno, ee ha dhayalsan camal wanaagsan, ee samee wanaag waliba : caawi maskiinta waloow wax yar, waraabi shimbir ama xayawaan, abuur geed, waraabi ku kale, ka farxi insaan, tirtir illin, ku daabac wejiyada dhoollacadeeyn. Abu Nasri waxaa badbaadiyay illinta haweeney uu caawiyay xilliga uu ugu baahi badnaa, waa ayna ku kala duwan yihiin marka uu qofka wax bixiyo iyo wax bixista kan aanan baahnayn!.. Buuga : iftiinka qalinka 📚 Qoraaga : A/casiis Abdullahi

 Sheekada 2aad.

DHIBKA QAADKU LE YAHAY 😂😂 sheeko qosol badan
https://soomaalijournal.blogspot.com/search/label/world%20reveiw
Laba nin Oo saaxiibo ah aya Malin walba waxay iskugu Faani jiren Ana kaa Mirqaan Badan iyo ana kaa mirqaan Badan.

Labad wiil sidii ay isku haysten dood iyo Dagaal waxay maalin Wala balamen Inay Soo iibsadan (Qaaadka ama jaadka)

Labadi wiil ee saxibada aha markay so wada iibsadeen sharabki iyo sigaarki iyo meeshi yarayd ee (santar ama Carishkoogi Yara) aya ay Fadhiisteen waa ayna Wada bilaabeen Cunida Qaadkii.

waxay fadhiisten Cunidiisa 9:30 habeenimo Waxayna ka Kaceen 1:00 iyo melaha saacadu markayTahay.

Iyago mirqaansan oo Hawdaa maraaya ama dabaqyo dhisaaya ayay iskula Murmeen ana ka xoog wayn iyo ana kaa Xoog wayn Sidii ay iskugu Haysteen ayaa waxa ka soo hor Baxay Darbi aad u dheer oo mel cad ku yaala deedna waxa ay ku Kala baxeen kii dhaqajiya inu xoog wayn yahay.

balse labadoodiba midba mid markay iskugu Dayeen waa ay kari wayen Markaasuu hadlay midi oo uu yidhi (  war heedhe show Waxa Culays naga dhigaya waba dharke an iska sarno)

sidi ayay sameeyeen oo wa ay saareen Iyaga oo sidii u wada Riixaaya ayaa tuug wadad ku arkay iyagoo Darbiga Riixaaya oo dharkina iska wada saaray

Dedna wuu wada qaatay Tuugi Alabtoodi oo dharkii qaadkii saacadii sharabkii deedna wuu ka tagay meesha

kii kale aya Dhahay (war waxaan ma riixaynaa mise waba iskaga Cuskanayna) markasuu dhahay (war maba Fahmine Bal an nasano)

Labadoodi  Dhar ma xidhno balse mid kamida aya yidhi( ala war dharkii meeyay) kii kale ayaa ugu Jawabay (War Sawnagii Darbiga intaas oo saacadood Riixaynay Malaha wan ka soo tagnay)


 Sheekada 3aad.

Sheeko xikmad leh : Sirta guusha
https://soomaalijournal.blogspot.com/search/label/Arimaha%20Diinta
Waxaa jiray wiil dhalin yaro ah kaas aad u jacelaa inuu mar noqdo qof guuleysto, balse ma uusan garaneyn sida uu ugu guuleysan lahaa waxa uu doonayay inuu gaadho oo ah guul. maalin ayuu la kulmay nin oday ah oo waayo arag ah, noloshana wax badan ka soo arkay. Wiilkii odaygii waayo araga ahaa ayuu la sheekeystay, xoogaa kadib wuxuu weydiiyey suaashii maskaxdii sa ka dhex guuxaysay oo aheyd “waa maxay sirta guushu?” ninkii odayga ahaa wuxuu ku yidhi wiilkii waan kaaga jawaabayaa ee aan barri isugu imaano qarka wabiga, sidaas ayaana lagu balamay oo lagu kala tagay. Maalintii balanta markii la gaadhay oo labadoodiiba soo xaadireen wabiga ayaa ninkii waayo araga ahaa ku yidhi wiilkii ina keen aan biyaha galnee, biyihii ayey galeen makii ay badhtamaha wabiga gaadheen ayuu ninkii weynaa madaxa ka qabtay wiilkii yaraa isagoo hoos biyaha ugu riixayo, wiilkii xaaladii ayaa ku adkaatay ilaa ay indhihii casaadeen, wax yar kadib ayuu sii daayay, wixii ugu horeeyay ee uu sameeyo wiilka yar markii la sii daayay waxay ahed in uu madaxa kor ula soo baxo oo uu neefsado. Ninkii odayga ahaa ayaa wiilkii weydiiyey markii aad ku jirtay biyaha oo aan madaxa kaa hayay, maxaa aheyd waxa aad ugu jecleyd inaad hesho wiilkii ayaa ku jawaabay, hawo si aan u neefsado. odaygii ayaa yidhi hadaba suaashaad shalay iwaydiisay jawaabteedii waa tan, waxa aad dooneyso inaad ku guulaysato ilaa aad u raadiso sida aad u raadineeysay hawada markaad biyaha ku jirtay kuma guulaysanaysid, sirta guushuna waa taas. - inaad guul gaarto uma baahna inaad garab ka sugto ruux kale ee waa inaad garataa inaad garab isku tahay oo aad kaligaa wax qabsan kartid.’ ╭┈────────────── ╰┈➤ - Zaxiibka nolosha
👤

Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)