Sheeko Xiiso Badan

Som Ai News
0

SHEEKADA 1AAD EE MAANTA.

Nin Sadex Xaasle ah oo ay xaasaskiisu mushahar bil walba u qoreen in ay siiyaan.


Nin u dhashay wadanka Marooko ayaa waxa uu taksiile ka ahaa magaalo ku taala wadanka Marooko,

ninkaasi ma uu guursan ilaa uu ka gaadhay 35 sano.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa ay isbarteen gabar waa aanay is jeclaadeen ilaa ay is guursadeen.

mudo kadib ninkii waxay isjeclaadeen gabar ay naagtiisa saaxiibo yihiin waanu guursaday, laakiin naagtiisii hore arinkaasi waa ay ka cadhootay waxaanay dhahday,

"sidee baad iila guursataa oo aad waliba saxiibaday iila guursataa" laakiin mudo ka dib waa aay aqbashay guurkiisa waayo wax kale oo ay samayso ayaa ay garan wayday.

labadiisa naagood tiisa hore gaari ma ay haysan laakiin ta danbe gaari u gaara ayaa ay lahayd, sidaa tarteed naagtiisa hore maalin kasta gaarigiisa ayaa uu shaqada ku geyn jiray.

Naagtiisii danbe ee gaariga u gaarka ah haysatay waxay dhahday maalin danbe naagtaada kale shaqada gaarigaaga kuma geyn kartid, si aaney kuu dhihin shaqada gaadhigaaga igu gaarsii waa in aad gaadhigaaga gadaa (iibisaa), hana ka cabsan dhanka shaqada, bilkaasta waxa aan ku siinayaa $300 oo Dollar.

ninkii arinkaasi waa uu aqbalay qaadhigiina wuu iibiyay.

Xaaskiisi hore ayaa dhahday si aanu naagtiisa kale iiga jeclaan waa in aan aniguna siiyaa bilkasta $300 oo Dollar.

Labada naagood waxa ay ahayeen saaxiibo waxa aaney ahaayeen labo diktooradood (two doctors) waxa aaney wada lahaayeen hal clinic oo ay share ku wada ahaayeen.

Labada naagood waxa ay kala deganaayeen laba guri, ninkii waxa uu ku dhahay waa in aad labada guri gadaan oo aynu lacagta labada guri ku iibsanaa hal guri oo weyn.

markii ay labadii guri gadeen (iibiyeen) lacagtii waxay u dhiibeen ninkii si uu ugu dhiso guri, kadib ninkii waxa ay qiso jacayl dhex martay gabar engineer ka ahayd dhisida guriga cusub.

Qiso jacyl kadib waa ay is guursadeen. Naagtii sadexaadna waxay bilowday in ay siiso ninkii $300 oo Dollar si ay ula tartanto naagihiisa kale.

Ninkii hada bilkasta waxa uu naagihiisa ka qaataa $900 oo Dollar.

Nuxurka sheekada: markasta oo aad dumarka badsato waa markasta oo aad barakoobayso lkn waa marka aad u sinaanayso, daryeelayso, wada kaafin karayso, una cadaalad falayso.

Sheeko Jacayl Murugo Badan: https://soomaalijournal.blogspot.com/2023/10/a-very-sad-love-story.html

SHEEKADA 2AAD EE MAANTA.

Wiil uu wanaagii saaxiibkii oo dhintay saamayn way ku yeeshay.



Magaca Aan wato ee garaad waxaa markii hore lahaa wiil Aan zxp ahayn oo la odhan jiray Garaad.
Garaad wuxuu ahaa wiil Alle ka cabsi badan mana kumana aan khasaarin barashadiisa wuxuu ahaa zxp aan aad u jeclahay Habeen buu igu soo maray anigoo taagan geed hoostiis wuxuu igu yiri ii waran zxp waxaan ugu warceliyay zxp Allxamdulillaah wuxuu igu yiri waan kula dar daarmi caawa, waxaan dhahay diyaar ayaan u ahay dardaarankaa ka dib waa uu i wacdiyay  Wacdigiisa waxaa kamid ahaa "iska ilaali macaasida" waxaan ku dhahay insha'Allah waan iska ilaalin intaan awoodo.
sidaan uu sheekeysaneynay buu igu yiri dhuubow aniga wiil baa lay ii dhali doona mana arki dooni lkn sxp-ta maan waydiin Sidoo kale waxaa kamid ahaa hadalada uu habeenka igu yiri zxp baan nahay balse waliga wax ku quseeya iimaadan sheegin sida taariikhaha noloshaada niyow si baad u xedh xedhan tahay waan dhoola cadeeyay waxaan ku idhi may zxp sidaa maaha zxp kaygi maalmo kadib uu maqnaa waxaan ka war helay inuu Aahkiro Aaday (dhintay) Aad baan u Naxay Waxa ay ahayd subax aan meel maqaaxi ah shaah kacabaayay aniga iyo qofkale wuxuu igu yidhi "Garaad maanta manoola Aakhiruu aaday" waan naxay Balse Garaad caawa zxp fariintayda ma akhrineysid dunidana waad nagu cidleysay Balse Alle hakuu naxariisto Waxaa kaloo xaqiiq noqday geedki markaan taagneen eed igu lahayd wiil baan dhali mana arki doono zxp anigaa arkay wiil kaaga Adiguuna kuu eg yahay Anigana macaasidi aad igala balantay waan iska ilaaliyaa inta ka raankayga ah alle hana dhowree adigana waxaan kuu rajeyn janooyinka mida usareysaa😢 Zxp wiil baan ka maqlay isgoo ku caynaya markaad Aakhiro aaday kadib aad baan ugu xumaaday wuxuu lahaa Garaad wuxuu ahaa qof maahsan inta badan maqane jooga ah wllhi qofkaa aad baan ugu xanaaqay lkn maan muujin qof xun baan ahay waxay ahayd inaan u jawaabo sideen u Aamusay adigoo is difaaci karin anigana inaan Aamuso qof xun baan ahay😭 Zxp dabadaa dadki way isbedeleen dadkaad taqaanay maaha  aduunki wuu is bedelay anigana salaad waliba waan kusoo duceeya si uu Alle raxmaanka kugu Naxariisto
Noloshayda saameyn baad ku yeelatay Sidaad Alle ugu cabsaneysay zxp maalin baad igu tiri dhuubow Aflaamta hindiga waligaa hadaawan qalbigay madooweeyaan  markaan dawanayo oo aan adiga kusoo xasuusto waan ka istaaga anigoo is maaweelinaya Waxaan Alle karajeynayaa inuu janada Alle nagu kulmiyo inkastoo cibaadadaada aan gaadhin oo adoon gef badan ahay hadana waan rajeyn inaan janada isku aragno Insh'Allah 😢 Sideydoo kale zxp saameyn kugu leh maleedahay haduu ifka kuu saaran yahay waad iga nasiib badan tahay

Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)