The United States spoke about the Ethiopian government's desire for ports in East Africa

Som Ai News
0

 Mareekanka oo ka hadlay doonista dowladda Itoobiya ee dekado kuyaal Bariga Afrika

Markii ugu horraysay dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay damaca Abiy Axmed ee ku saabsan in uu la wareego dekado ku yaal xeebaha bariga Afrika.

Guddiga arrimaha dibadda Mareykanka ee golaha Koongareeska ayaa xiisadda kasoo cusboonaatay dalalka geeska Afrika ka xog wareystay Mike Hammer oo ah ergayga xukuumadda Washington uqaabilsan geeska Afrika.


Mike Hammer ayaa caddeymaha uu bixiyay ku sheegay in dowladda Itoobiya ay waddo dadaallo ay ku doonayso in ay ku hesho dekado balse aysan suurtagal aheyn in ay xoog ku qabsato dekadaha ku teedsan badda cas.


"Abiy Axmed ayaan kulan la yeeshay waxaana usheegay in damaca iyo doonista badda ee Itoobiya aysan waxba kama bedeli karin xuduudaha caalamka" ayuu yiri Mike Hammer.


Ergayga Mareykanka Geeska Afrika ayaa Itoobiya uga digay in ay colaad u adeegsato doonisteeda dekado "Waxaan Abiy Axmed usheegay in doonista Itoobiya ee badda ay u uga dayato dalalka Jili iyo Boliifiya islamarkaana ay ka fogaato wax kasta oo colaad ka abuurayo geeska Afrika" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ergayga Mareykanka geeska Afrika.


Waa markii ugu horraysay oo reergalbeedku ka falceliyaaan hadalladii xaalad abuurka ahaa ee uu bilihii lasoo dhaafay jeedinayay Abiy Axmed.

Xiisadaha ka dhashay hadal jeedinta R/wasaaraha Itoobiya waxaa ka carooday dowladaha Ereteriya iyo Jabuuti




Dhinaca kale warbixin kasoo baxday Bankiga adduunka ayaa lagu sheegay in hoos udhac weyn uu ka jiro dhaqaalaha Soomaaliya.

Hay'addan oo xarunteedu tahay magaalada Washington ayaa sheegtay in hoos udhac weyn uu jir0 2023 marka loo barbar dhigo sanadkii 2022.


Hoos udhac dhan 3.6% ayaa lagasoo calaamadeeyay Soomaaliya halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%.


Bankiga adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sii nuglaan doono illaa 2025-ka.


link:https://soomaalijournal.blogspot.com/search/label/Arimaha%20Diinta?&max-results=5

Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)