A bird complained about a big bearded man the time of Prophet Sulaiman.

Som Ai News
1

Waa Maxay Xigmad

Xigmadu waa noocyo kala duwan oo waxyaabo kala duwan ka dhexeeyaan, oo ay ku jiraan dhawaaqyada, habka dhaxalka, iyo qaab ay ku dhex jiraan xaalado kala duwan. Waxaa xigmada ka mid ah dhaqanka, fikirka, iyo qalabka bulshada ee loo isticmaalo si loo helo fahamka guud ee xaaladaha kala duwan.

Muhiimada Qoraalkan

waxa aynu qoraalkan ku fahmi doonaa waxa ay tahay xigmadu iyo cida la odhan karo waa uu xigmad badan yahay inaga oo soo qaadanayna hal qiso oo dhex martay nabi sulaimaan iyo shimbir yar


plants and things :https://soomaalijournal.blogspot.com/2023/10/plants-and-things-that-science-says-but.html

eleven vegetables :https://soomaalijournal.blogspot.com/2023/10/the-eleven-vegetables-that-are.html

youtube channel: https://www.youtube.com/@yoolstudio3066

 Xigamdu waxay ku jirta qofkii Ilaahey caqli galiyo ee gadhka weyn oo kaliya kuma jirto qiso dhex martay Nabi suleymaan Cs iyo shimbir iyo nin gar wayn

Maalin Maalmaha Ka Mida, Shimbir ayaa dul yimi Berkad Biyo ah,oo markaas dhalinyaro ka cabayso .. Shimbirki wuxuu naftiisa u sheegay in uu sugo inta ay dhalin-yaradaas ka tegayan Berkada, isago u baqay naftiisa in ay wax yelan sida awgedna uu sugo .. Shimbirki wuxu dul heehaababa way tageen, waxaase markiba bedelay, oo goobti Berkada yimi Nin Gar-weyn.


Shimbirkii waqti badan ayu sugayay, in loga darero Berkada si uu uga cabo. wuxu mar-dambe istusay in uu ka cabi-karo madama Wiilashii dhalinyarada ahaa tageen, oo ninkan Garka-weyni anu wax yelayn madama u yahay nin Garweyn-leh .. Shinbirkii wuu soo degay si uu uga cabo Biyaha.

Ninkii Garka-weyna wuxu ku turay dhagax,wuxuna kaga dhacay Isha .. Shimbirkii wuu dulay isgoo ishi balaq tahay, wuxuna u tegay Nebi Suleyman CS oo dacwadisi u soo bandhigay, dabadeed Nebigiina wuxuu amray in loo yeero Ninkii Garka-weyna .. Nebigii CS wuxu weydiyay ma adiga shimbirka wax yelay,oo dhagaxa ku dhuftay .. ninkii wuu qirtay in uu wax yeelay Shimbirka.

Shinbirkii wuxu yiri Nebi Allow Ninku wax ima yelin, lakiin Garkiisan weyn aya wax i yelay.


Sheekada murtideeda waxaa weeye, Haddii aad aragtid Nin weyn oo 60 jir ah amase ka si weyn, oo u bahan in wax lo sheego u sheeg .. hadii aad aragtid Wiil 15 jir ah oo haya arin macquul ah ka dhegayso kuna dhaqan taladiisa .. xikmadu waxay ku jirta,qofkii ilaahay geliyo ee la dono ee Garka weyn oo kaliya kuma jirto


Jiilkan maanta waxan uga digaya, in aan lagu dag-dagin hebel baa Gar-weyn, balse waxaa haboon inaan had iyo jeer xulano shakhsiyaad ku haboon duruufaha iyo xaalada jirta oo dhalinyaradu hormood u tahay


waxa qormadan ku magacaab qoritaankeeda : Garaad Axmed kaas oo lagu soo baahiyay telegram channelka . Kaydka qormooyinka

Tags

Post a Comment

1Comments

do leave your comments

Post a Comment