The vice president of Somaliland held meetings with the community and traditional elders of Awdal region

Ku soo dhawoow SaqareJournal
0

Madaxwayne Ku-Xigeenka JSL Mudane: Xaaji Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)
oo ku suntan tiirarka Qaranka ee  nabadda, Horumarka , iyo Waddaniyada Somaliland iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo weftigan oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulamadaas oo ku soo dhamaaday is-afgarad,iyo qodobo ay wada qaateen weftiga iyo Odayaasha dhaqanku.

Hadaba Madaxwayne Ku-Xigeenka JSL ayaa markan oo kale qaab wanaagsan ku wajahaya Arrimaha taagan isaga oo kulamadan ku hogaaminayay si Odaynimo ah taasoo qayb ka ah waxyaabaha lagu yaqaano dhaqan yaqaanimada, samatalisnimo, Aqoonta, waayo-aragnimada iyo siyaasadiisa dad-dhiska iyo dal-dhiska horumarka ku dhisan.

Madaxwayne ku-xigeenka JSL oo ka hadlaya kulamadii safarka ayaa guud ahaan bulshada gobalka Awdal ku  bogaadiyay sida wanaagsan ee ay dhanka uga soo wada jeedaan qaranimada, horumarka iyo ilaalinta nabad-gelyada.
 


Sidoo kalena  sheegay ka xukuumad ahaan in ay ka go'an tahay wax ka qabashada baahiyaha iyo tabashooyinka jira.
 Isaga oo tilmaamay dhabada loo marayaa in ay tahay wadahadal.

Ugu dambayn Madaxwayne Ku-Xigeenka JSL ayaa Bulshada ku booriyay in ay dhan uga soo wada jeedsadaan cid kastoo nabad-gelyada, horumarka iyo qaranimada waxyeelaysa.

qormadan waxa soo gudbiyay: tv ga qaran somaliland

https://www.facebook.com/100069301685888/posts/pfbid0oNsQQifyAxeqHQ8nyV4EaVMwgTUPpbYfoC3vPvNqMzTW99pgHTDd1NPK8hyRuP4Fl/




Tags

Post a Comment

0Comments

do leave your comments

Post a Comment (0)